Kusimaha madaxa xafiiska beeraha, Mudane Axmed Maxamed (Kayd), ayaa furay tababar ku saabsan maaraynta Lunka dalagga ee goosashada ka dib (Post-Harvest Losses and Management Techniques), kaas oo loo qabtay khabiirada iyo xirfadlayaal fidinta beeraha ah oo ka socda 10 degmo oo katirsan gobollada Fafan, Jarar, Shabeelle, iyo Eerar, Mudane axmed mohamed (KAYD) oo hadalkiisa sii wata ayaa ka qaybgalayaasha kula dardaarmay in ay si hufan u hirgeliyaan aqoonta iyo xirfadaha ay barteen isla markaana ay tixgeliyaan muhiimadda waqtiga.














