Gudiga sare ee hagista mashruuca PACT ayaa yeeshay kulan ay ku qiimaynayaan waxqabadka mashruuca ee 2018-kii iyo ansixinta qorshaha 2019-ka.
Kulan lagu qiimaynayo Mashruucan PACT oo ah mid hoostaga Xafiiska Beeraha DDS ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan xafiisyada xubnaha ka ah gudiga hagista mashruuca, kuwaasi oo qiimeeyay mashaariicda sanadkii hore la fulinayay oo u badan waraabka beeraha iyo sidoo kale qorshaha sanadkan.
Gudiga ayaa loo soo bandhigay warbixinta waxqabadka mashruuca ee sanadkii hore iyo qorshaha sanadka kuwaasi oo dood iyo falayn kadib ansixiyay qorshaha mashruuca ee sanadkan oo ka kooban 5 mashruuc oo waraabka beeraha si loo horumariyay farsamooyinka casriga ee beeraha.
Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Guuleed Axmed Cali ayaa sheegay in mashruucan uu wax badan ku soo kordhinayo fidinta farsamooyinka casriga beeraha iyo horumarinta nolosha bushada.
SRTV


























