Kulan diiradda lagu saarayay xoojinta guddiyada farsamada ee barnaamijka Damaanadqaadka Cuntada heer Deegaan iyo iskudubbaridka wada shaqaynta hay’adaha dawladda iyo bahwadaagta horumarinta ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.
Kulanka oo uu furay Wasiirka Xafiiska Beeraha DDS Mudane Guuleed Axmed Cali ayna ka qaybgaleen wakiillo ka socda 14 xafiis oo heer deegaan ah iyo bahwadaagta horumarinta ayaa ujeeddadiisu ahayd midaynta qorshayaasha iyo warbixinnada la xidhiidha barnaamijka Damaanad-qaadka Cuntada iyo in si cad loo qeexo doorka iyo masuuliyadda xafiis kasta kaga aaddan barnaamijka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey sidii loo adkayn lahaa habraacyada fulinta iyo isku-xidhka hawlaha, si xafiis kastaa u guto masuuliyaddiisa gaarka ah, iyadoo la hubinayo in qorshayaasha iyo warbixinnada hay’aduhu noqdaan kuwo isku xidhan oo ka turjumaya ujeeddooyinka guud ee barnaamijka.
Xoojinta guddiyada farsamada iyo midaynta wada shaqaynta hay’adaha dawladda iyo bahwadaagta horumarinta ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo isku-duwidda hawlaha, iswaafajinta warbixinnada iyo qeexidda masuuliyadaha, si loo xoojiyo hirgelinta barnaamijka Damaanad-qaadka Cuntada ee heer Deegaan.
SRTV


























