Gudiga Sare ee Ka-bixidda Ku-tiirsanaanta Deeqaha Shisheeye ayaa maanta dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda ka faa’iidaysiga roobabka iyo heerka kaydka cuntada ee la ururiyey ilaa hadda.
Kulanka dhagaysiga warbixintan waxaa guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, iyadoo warbixinta lagu soo bandhigay xogihii ugu dambeeyey ee la xidhiidha ka faa’iidaysiga roobabka, wax-soo-saarka beeraha iyo xaaladda kaydka cuntada ee deegaanka.
Warbixinta ayaa si faahfaahsan u iftiimisay heerarka waxqabad ee la gaadhay, caqabadaha jira, iyo tallaabooyinka qorshaysan ee lagu xoojinayo ka faa’iidaysiga roobabka si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona xaqiijiyo sugnaanta cuntada.
Gudigu waxa uu bogaadiyey dadaallada la qabtay, isaga oo sidoo kale la faray hay’adaha ay khusayso inay sii laba-jibaaraan hawlaha lagu dardargelinayo wax-soo-saarka iyo kaydinta cuntada, si loo xaqiijiyo himilada deegaanka ee ku aaddan isku-filnaanshaha cuntada iyo yaraynta ku-tiirsanaanta deeqaha shisheeye.






Yes