Xafiiska Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida, isagoo kaashanaya Mashruuca Horumarinta Silsiladda wax-soosaarka Qamadiga ee U Adkaysata Isbeddelka Cimilada (CREW Project), tababar laba maalmood soconaya oo lagu xoojinayo awoodda ganacsiga abuurka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo arrimaha jinsiga iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada.
Tababarkan oo lagu qabtay Lotus Hotel ayaa waxaa ka qaybgalay beeraleyda wax-soo-saarka qandaraaska ku jira (Out-grower Farmers), ganacsatada abuurka (Agro-dealers), Wakiillada Horumarinta Beeraha (DAs), iyo khubarada abuurka ee degmooyinka mashruucu ka hawlgalo ee deegaannada Fafan iyo Shabeelle.
Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha ka qaybgalayaasha si ay u abuuraan una maareeyaan ganacsi abuur oo waara, tayo leh, isla markaana u adkaysan kara saameynta isbeddelka cimilada. Tababarku wuxuu sidoo kale dhiirrigelinayaa ka qaybgalka haweenka iyo kooxaha bulshada ee nugul si ay door muuqda uga qaataan horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo ganacsiga abuurka.








