Wasiirka Xafiiska Beeraha ee DDS, Mudane Abdulahi Mohamed Muse, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka socota hay’adda GIZ, iyaga oo ka wada hadlay hirgelinta wajiga cusub ee mashruuca SDR ee labada sano ee soo socota. Kulankan oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed, ayaa laysku afgartay in la kordhiyo taageerada dhaqaale iyo farsamo ee lagu horumarinayo wax-soosaarka beeraha deegaanka, si loo gaaro yoolalka mudnaanta u leh horumarinta iyo Kobaca xafiiska.
u
f











