Gudiga sare ee hagista mashruuca silsilada waxsoosarka qamadiga ayaa ansixiyay qorshaha mashruuca ee sanadkan 2019.
Gudigan oo ka kooban masuuliyiinta xafiisyada shaqooyinka mashruuca la xidhiidha ayaa loo soo jeediyay warbixinta waxqabadka mashruuca ee 2018 iyo qorshaha sanadkan ee sanadkan 2019, Falaqayn iyo talabixin kadib gudigu waxay cod buuxa ku ansixiyeen qorshaha mashruuca ee sanadkan oo ka kooban 8 mashruuc oo isugu jira waraabka, casriyaynta qalabka beeraha iyo mashaariico kale oo la xidhiidha horumarinta waxsoosaarka qamadiga.
Wasiirka Xafiiska Beeraha Mudane Guuleed Axmed Cali ayaa sheegay in maadaama oo mashruucu waxtar badan u leeyahay horumarinta waxsoosaarka qamadiga loo baahan yahay in la iska kaashado.
j











